Howlgallo ka socda Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo waxa ay ka bilaabeen degaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan , halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Maxamed Nuur Cagajoof Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay  Warbaahinta dowladda in ay dileen xubno ka badan 30 oo ka tirsan Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ay hadda waddaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan Dilnay Shabaab aad u badan oo tiradooda aan kuugu sheegi karo ilaa 30 Dagaalame, sidoo kale waxaan kaqab sanay Deegaano ay Dadka Danyarta ah ku dhimaateyn jireen xili kasta”

Howlgalada ayaa ka qabsoomay sida Afhayeenku sheegay Wadooyinka marinka  Al Shabaab oo isku xira Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.

Waxaa uu ugu dambeyntii uu xusay in ay sii waddi doonaan howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Tiradaasi ay sheegeen in ciidamada dowladda in ay ka dileen Shabaab.