Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Amniga deegaanka No 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Hoggaaminayay Guddomiyaha degaanka ayaa hawlgallo ka sameeyay Tuulooyinka Ceelsaliini, Buushka iyo duuleedka degaanka No 50, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Guddomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Bogaadiyay howlgallada ay Maanta ka sameeyeen Ciidanka Ammaanka tuulooyinka hoostaga degaanka Nambar 50, isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan howlgallada.

Howlgalkan ay Maanta Ciidamada Amniga ka sameeyeen degaano u dhow degaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS.