Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya Maamulka degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa Gudaha degmadaasi ay ka fuliyeen howlgallo qorsheysnaa,kaas oo lagu soo qabtay Kooxo Burcad ahaa.
Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo taliyaha Saldhiga,waxaana laga sameeyey Gaadiid laga shakiyey oo ku jira Garaashyuo ku yaalla degmada iyo Xaafadaha qaar ee degmada.
Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhamaan howlgalka laga fuliyey Garaashyo ku yaalla Shanta Waaxood ee degmada,kadib markii Garaashyada qaar looga shakiyey inay yaallaan Gawaari sida qaraxyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay Gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dadka ku dhacayay Bustoolado Caag ah,kuwaas oo uu sheegay inay la wareegeen Hay’adaha Amniga Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa xilliyada habeenkii ah ay howlgallo kala duwan ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir oo ay ka dhacaan falal Amni darro.



