Howlgal laga sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo baaritaano ah oo Amniga lagu xaqiijinayay  ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah Burcadda hubeysan iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayna horkacayeen Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab iyo Taliyaha Booliska degmadaas ayaa Ciidamadu waxaa ay beegsanayeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa lagu tuhmaayo inay yihiin burcad.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo Mooto Bajaajta isticmaala waddooyinka dhexmara degmada Xamar Jajab ee Gobolkaan Banaadir.

Taliyaha Booliska degmada Xamar Jajab Gaashaanle Raxmo Salaad Maxamed ayaa hadalo wacyigelin ah u jeedisay dhalinyaro laga soo aruuriyay xaafadaha degmada Xamar Jajab, kuwaas oo la isugu keenay barxad ku taalla degmadaas, iyada oo ugu baaqday inay amniga kala Shaqeeyaan.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Mucaawiye Axmed Muudeey ayaa dhankiisa ka dalbaday dhalinyarada howlgalka lagu soo aruuriyay inay muhiim tahay ka qeyb qaadashada waxyaabaha lidiga ku ah amniga degmada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa ay howlgallo isdaba joog ah ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kadib markii ay soo kordheyn kooxaha Burcadda ah ee dhaca geeysanaya.