Howlgal gaar ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa xalay Howlgal qorsheysan waxa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban yihiin Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilliwaa ee Gobolka Banaadir

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa Risaala u sheegay ujeedka Howlgalkan in uu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay dil xalay fiidkii xaafada Suuq bacaad loogu geystay Cabdulle Xasan oo ahaa Nin Oday ah.

Ciidamada oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa Howlgalkan ku soo qab qabtay tiro dad ah, kuwaasi oo u badan Dhalinayro, waxaana loo kaxeeyay xarumaha baarista Ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu kala saaro.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in xalay uu yaraa soc socodka Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilliwaa, maadaama Howlgal uu ka socday shacabka qaarna ay goor hore guryahooda ku sii xaroodeen.

Dabley wadatay Bastoolado ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafada Suuq-bacaad ee Degmada Yaaqshiid ku dileen Marxuum Cabdulle Xasan oo la sheegay in uu ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee wax ka soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.