Howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka waxa ay ka sameeyeen isgoysyada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgallo ka fuliyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Howlgaladaan ayaa waxaa looga kol lahaa sidii loo xaqiijin Ammaanka Caasimadda.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Banaadir  iyo gudoomiyaha Kaxda ayaa ku gaaf wareegay Wadooyinka Degmadaasi iyadoo ka sameeyay howgal kooban oo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

Axmed Xasan Maalin taliyaha qeybta guud ee ciidaanka Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.