Xilli ciyaareedka 2020-21 Premier League ayaa lagu soo waramayaa inuu ka koobnaan doono 22 kooxood, iyadoo Leeds United iyo West Bromwich Albion laga yaabo inay si otomaatig ah ugu gudbaan horyaalka heerka koowaad.
Cudurka Coronavirus wuxuu sameeyay kulamada Premier League iyadoo dib loo dhigay ilaa iyo 4ta April, in kasta oo ay jiraan soo jeedinno ah in xilli ciyaareedku aysan u badneyn inuu markale bilaabmo illaa bisha Juun haddii ay taasi dhacdo waxaa la filan karaa isbedeo badan.
Kooxaha Horyaalka Premier League ayaa la filayaa inay kulmaan khamiista si looga wada hadlo xaalada tagan, waxaana sida ay qortay The Telegraph, qorshayaasha kamid ah in 22 koox ay ciyaaraan horyaaka xilli ciyaareedka soo socda.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Liverpool ay u badan tahay in loo wareejiyo horyaal haddii xilli ciyaareedka la kansal gareeyo iyadoo la eegayo baaxadda hoggaamintooda, laakiin ma dhici doonto inay dib uga laabato koox horyaalka heerka koowaad.
Si kastaba ha noqotee, labada ugu sarreeya Championship – Leeds iyo West Brom – ayaa lasoo dallacsiin doonaa si tirade kooxaha loo gaarsiiyo 22 koox.
Shan koox ayaa la sheegay in lagu celin karo heerka labaad dhamaadka xili ciyaareedka 2020-21 si loo hubiyo in markale ay jiri doonaan kaliya 20 kooxood oo ciyaara Ololaha 2021-2022.
Koobka EFL Cup wuxuu noqon doonaa mid laga takhaluso iyadoo 42 kulan oo Premier League ah la ciyaari doono



