Hordhaca Kullanka Man Utd vs PSG

Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa markii ugu horeysay ku kulmaya wareega 16ka ee tartanka UCL.

kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris ay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group C, halka United oo uu hogaaminayay tababare José Mourinho oo hadda lagu bedelay Ole Gunnar Solskjær kusoo baxday kalainta ee Group H oo ay kula jireen Juventus.

Labada kooxoodba waxa ay kusoo gareeen wareega 16ka heer niyadjab leh, iyadoo United ay dooneyso haatan inay gaarto wareega quarter-finalka UEFA Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2013/14.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay Paris ayaa ku hareysay marxaladdaan oo kale, iyagoo ku dhacayay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

XOGTA KULLANKA

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

SAFAFKA MACQUULKA AH

Man Utd: De Gea; Young, Smalling, Jones, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

PSG: Buffon; Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat; Marquinhos, Verratti; Nkunku, Di Maria, Draxler; Mbappe