Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Soomaaliya oo maanta shir la qaatay madaxda Warbaahinta.

Shirweynaha hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo maalintiisii labaad ka socda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si guud looga hadlayaa jihaynta iyo xal u raadinta xaaladaha cakiran ee dalka, iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo ay dhammaan dhinacyadu ku mideysan yihiin.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa maanta shirka  ku casuumay madaxda golaha warbaahinta madaxa-bannaan, waxaana kulanka diiradda lagu saaray doorka warbaahinta ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, xoojinta kaalinta warbaahinta ee wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, iyadoo la adkeynayo in xuquuqda suxufiyiintu noqoto mid dhowran oo lama taabtaan ah.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa waxaa ay ka soo hor jeedaan hannaanka dowladdu ay ku dooneyso inay dalka uga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah oo lagu wado inay bilaabato bisha soo aadan.

Waxay sidoo kale ka soo hor jeedaan wax ka bedelkii lagu sameeyay cutubyo ka tirsan dastuurka KMG ah ee dalka, dhismaha guddiga doorashada, iyo xeerka xisbiyada.

Shirka mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud uu dhowaan ku baaqay shir heer qaran ah, oo dhacaya, bisha Juun isla markaana looga hadlayo arrimaha doorashada iyo khilaafaadka ka dhaxeeya mucaaradka , qaar ka tirsan maamul gobolleedyada iyo madaxda dowladda federaalka ah.

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer ugu baaqday dhinacyada Soomaalida ee isku haya arrimaha doorashadu ugu weyntahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda in shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ay ka qayb galayaan mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo horey aan uga qayb gelin shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran.