Hoggaamiyeyaal qaadacay Doorasho lagu qabto G/Nyanza ee Kenya

Kenya-RisaalaFM- Mas’uuliyiinta laga soo doortay ismaanulada hoosyimaada Gobolka Nyanza iyo hoggaamiyeyaasha kaniisadaha ayaa si toos ah uga soo horjeestay Doorashada Madaxtinimo in laga qabto Gobolkaasi maalinta berri oo Sabti ah sida ay maanta shaaciyeen.

Xubnahaan oo saaka Warbaahinta kula hadlay kaniisada ACK ee Magalada Kisumu ayaa waxa ay sheegeen in aysan raali ka aheyn Arrintan iyagoo eed u jeediyay in Ciidamada Dowladda ay tacadiyo maalintii shalay aheyd u geysteen dadka Rayidka ah ee ku Dhaqan Afartaas Dowlad Degaan.

Hogaamiyaasha Kaniisadaha oo uu Horkacayay Baadariga lagu magacaabo Joshua Owiti ayaa ugu baaqay in Dowlada dalka Kenya ay Ciidamadeeda kala soo baxdo Gobolka Nyanza.

Waxaa ay sidoo kale ka dalbadeen Gudoomiyaha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha dalka Kenya ee IEBC in isagana uu dib ugu celiyo magaalada Nairobi Sanaadiiqda Cod bixinta.

Gudoomiyaha Doorashada ayaa shalay ka codsaday Taliyaha Guud ee Ciidamada  Booliska dalka Kenya uu ka Taageero Gudiga Doorashada Sugida Amniga Doorashada maalinta berri ah ay ka qabanayaan Gobolka Nyanza.

Balse Hoggaamiyeyaasha Kaniisadaha ayaa sheegay in Taliyaha Booliska luuqada uu Aqoonta u leeyahay ay tahay in Leynta iyo ku xadgudubka dadka Rayidka ah ee ka soo jeeda aagaasi.

Dadka ka soo jeeda Gobolka Nyanza ayey Hoggaamiyeyaasha Diimaha sheegeen in ay la mid yihiin kuwa kale ee ku nool dalka oo qaatay go’aanada la midka ah in aysan Codeyn.

Mudanaha Aqalka Sare ee ismaamulka Kisumu Fred Outa, iyo Wakiilka Dumarka Rozah Buyu iyo xubno kale oo Ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee laga soo doorto ismaamulada Kisumu Homa Bay Siaya iyo Migori oo dhamaantood ku sugnaa Kaniisada ACK ee Magalada Kisumu ayaa si cad u sheegay in aysan dooneyn Doorasho laga qabto Gobolka Nyanza.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya