Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela oo Madaxweyne loo aqoonsaday

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxaysa dowladda Venezuela iyo dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó uu u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.

Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib markii 35-sano-jirkaasi uu shalay caasimadda Venezuela ee Caracas kaga dhawaaqay inuu yahay ku simaha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah dalalka Koofurta Ameerika ku yaalla, oo ay ku jiraan Brazil, Colombia iyo Peru, ayaa sidoo kale aqoonsaday Mr Guaidó.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay dalkaasi ka jiraan dibad baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Nicolás Maduro.

Sicir barar, koronto la`aan iyo badeecadaha quutul-daruuriga ah oo dalkaasi ku yar ayaa ku kalliftay malaayiin qof inay isaga tagaan Venezuela.

Mr Maduro ayaa markii labaad loo dhaariyay madxatinnimada dalkaasi horraantii bishan, waxaana jirtay in mucaaradka dalkaasi uu ka biyo diiday natiijada, isagoo ku andacoonaya in lagu shubtay.