Hogaamiyihii Burcadbadeedii qafaalatay Markabka MV Abdallah oo la soo qabtay

Ciidanka booliska Gobolka Mudug oo xalay b magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal  la xiriira la dagaalanka  burcadbadeeda ayaa gacanta Kusoo dhigay Taliyihii hogaaminayay ciidankii burcad badeeda ee 5 Milan oo madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee Magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre jowfe oo 38 jir  ina mayran hassan ahna taliyihii markabkii MV Abddala qaatayna in kabadan 400,000 (Afar boqol oo kun) oo doolar.

Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin kabixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay  iney sharciga hor keeni doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah.

Maamulka  Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba.