Hogaamiye Caan ah oo Geeriyooday

Fidel Castro, Madaxweynihii hore ee Cuba iyo Sidoo kalena ahaa hoggaamiyaha kacaankii shuuciga, ayaa ku dhintay da’da 90, sida uu baahiyay TV –ga Qaranka dalkaasi.

TV-ga dowladdu maamusho ee Cuba ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Cuba uu Geeriyooday  7pm Waqtiga maxaliga ah  dalkaasi, waxaana sidaasi xaqiijiiyay walaalkiis oo ah  madaxweynaha haatan talada  haya Raul Castro.

Fidel Castro ayaa dalkaasi maamulaayey ku dhawaad Nus Qarni ka hor inta uusan xilka ku wareejin walaalkiis 2008.