Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay Doon dheereysa (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtey Doon nooca dheereysa ah oo lagu koontorooli doono socdaalada xuduudaha Badda.

Doontaan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay’adda u qaabilsan xuduudaha Badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca Badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Doontan muhiim u tahay shaqada Hay’adda, islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha Badda, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada Badda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa Doonta nooca dheereysa ka heshay Hay’adda Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IOM), waxaana loogu tala galay in lagu daba galo socdaalka sharci darada ee ka jira Xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ku horumarin lahayd Laanta socdaalka iyo Jinsiyadda dalka, waxaana si arintaasi u suurta gasho ay mas’uuliyiinta Hay’adda u gaareen dalal badan oo caalamka ka tirsan.