Ha’yad ka digtay abaaraha Soomaaliya

Hay’adda Save the children ayaa ka digtay in biyo yarida ka taagan Soomaaliya iyo abaarta ku dhufatay deegaannada qaar ay kumannaan qof u horseedi karaan inay u baahdaan gargaar bani’aadannimo.

Waxay sheegtay in haddii aan hadda xaaladda dadkaas wax laga qaban ay bilaha soo socda ku dhawaad 3 milyan oo Soomaali ah wejihi doonaan cunno yari.

Adan Muxumed Faarax oo hay’adda Save the Children kala taliya arimaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in cabsi laga qabo in 2.7 malyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahi doonaan cunno yari ba’aan waa haddii xaaladda wax laga qaban waayo.