Iskaashiga mustaqbalka Waara: Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta QM oo daahfuray Mashruuca kaydinta Biyaha Jowhar.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyobahwadaagta QM ayaa magaalada Jowhar daahfurayBarnaamijka Kaydinta Biyaha si wax looga qabtodhibaatooyinka isbadalka cimilada loona hagaajiyowaxsoosaarka beeraha.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali CabdullaahiXuseen(Guudlaawe) ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahaybilaabidda mashruuca oo wax badan ka badali doona noloshamuwaadiniinta.
“Waxaan la dhacsanahay sida hal-abuurka leh ee barnaamijkaloo qaabeeyay si loo hagaajiyo maaraynta kheyraadka dabiicigaah. Haddii aan soo celino keydadkii biyaha , xalino colaadaha, aan hirgalino nidaamyada digniinaha hore, waxaan muujinaynaasida ay nooga go’anyahay u babacdhigga isbadalka cimilada iyoyaraynta colaadaha si bulshadeenu uga wada faa’iidaysato. Hirgalinta mashruucan waa mid naga go’an maamul ahaan.”
Mashruucan ayaa ah mid ay ka qaybgalayaan bah-wadaag kala duwan islamarkaasina soconaya sanado badan iyadoo looga gol-leeyahay yaraynta fatahaadaha iyo abaaraha iyo xoojintawaxsoosaarka beeraha si loo hagaajiyo sugnaanta cuntadaiyadoo loo marayo iskaashi u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM ee FAO iyobahwadaagteeda – Hay’adda Caalamiga ah ee socdaalka(IOM), Barnaamijka Deegaamaynta QM (UN Habitat), Hay’adda QM u qaabilsan Horumarinta Warshadaha(UNIDO), BarnaamijkaDeegaanka QM oo taageero ka helaya Safaaradda Ingiriiska eeMuqdisho iyo taageerada la filayo ee USAID, SanduuqaMidaysan ee Soomaaliya(SJF) iyo Sanduuqa DhismahaNabadda QM.
Barnaamijkan ayaa lagu wadaa in xaqiijiyo in 368 887 ruux oo kunool shan Degmo Hirshabelle ah ay helaan biyo sidoo kalena la yareeyo halista fatahaadda ee ay wajahayaan 1.5 Milyan oo ruux iyoin la yareeyo abaarta ay wajihi karaan 1.65 Milyan oo ruux. Arrintanayaa sidoo kale la filayaa in ay hagaajiso waxsoosaarka cuntada aynakordhiso isku-tiirsanaanta maxaliga ah.
Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo goobtaka hadlay ayaa barnaamijka ku tilmaamay mid muujinaya awooddaiskaashigu u leeyahay ka hortagga baahida bini’aadanimada iyo dalkaloo hoggaamiyo mustaqbal wanaagsan. “ Lahaanshaha bulshada iyomidayntu waa muhiim. Bulshadu waa in ay u aragtaa in barnaamijkanay iyadu leedahay, dareenka lahaanshuhuna wuxuu muhiim u yahayguusha barnaamijka. Waa in aan badalnaa aragtida ah in kanaalkuyahay mashruuc dowladeed, si ay dadku ugu arkaan mid ay iyaguleeyihiin. Barnaamijkani wuxuu u gogol xaarayaa hindiseyaal cusubislamarkaasna u muujinayaa deeqbixiyeyaasha fursadaha xooggan eemaalgalinta ee Soomaaliya.”
Isagoo qiraya muhiimadda barnaamijka, Wasiirka Beeraha iyoWaraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye), ayaa ugamahadceliyay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM eeFAO xaqiijinta maalgalinta barnaamijka isagoo sidoo kalenaxusay muhiimadda kaqaybgalka bulshada.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Alexander Jones, oo ka mid ah Masuuliinta FAO . Wuxuu bidhaamiyay sida iskaashiga ka dhexeeyabahwadaagta kala duwan uu u xalin karo dhibaatooyin baaxad leh oola xiriira isbadalka cimilada iyo colaadaha .