Hay’adaha gargaarka ee QM oo ka dayrinaya xaalada Yaman

Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen.

Hay’adaha ayaa ka dalbaday Sacuudiga in ay si buuxda ay go’doominta uga ka qaadaan dalka Yamen.

Waxa ay sheegeen hay’adahani gargaarka ee Qaramada Midoobe in go’doomintaasi ay halis galinayso noolasha malaayiin qof oo dalka Yamen ku nool.

Madaxda hay’adaha UNICEF,WHO iyo hay’ada cunada aduunka ee WFP ayaa waxa ay sheegeen in go’doominta qayb ahaan la qaaday horraantii todobaadkan aysan ku filnayn.

Hay’adahani ayaa sheegay in imika caruur badan ay halis ugu jiraan cuduro islamarkana ugu yaraan 20 milyan oo qof ay grgaar u baahan yihiin.

7 milyan ayay hay’adahu sheegeen in ay qarka u saaran yihiin macaluul.