Kulan balaaran oo ay ka qeygaleen masuuliyin ka socta labada aqal ee barlamanka doowlada fadaralka haay,adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’adanimada oo lagu Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Masuuliyinta kale ee qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay xaalada Abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya oo sabatay inay ku xoolo beelaan dad badan oo Soomaaliyeed oo sanadka hor ahaa dad wax heeysta hadana ah ceeyr kadib markii ey xoolihi dhaafeen.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’adaha bani’adminimada ka shaqeeya ee soo bandhigay qorshahaan lagu gargaarayo dad ay Abaarta saameeysay oo gaaraya 3.9-milyan oo qof oo soomaali ah.
Waxayna ka dalbadeen beesha caalamka in ay taageero la garab istaagaan si ay u caawiyaan dadka duuynyadoodi inta badan eey dhaaftay ayaga qarka u saran in ay macliuul u geeriyoodaam.
Hay,adahan waxa ay dalbadeen lacag gaareeysa 864-Milyan oo dollar si gar gaar loola gaaro dadka Soomaaliyeed oo haatan abaaruhu ay ku saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
Dadkan hada waxay ku noolyihiin xaalad adag mana jiraan hay’addo samafal oo si toos ah u caawiyay marki laga tago dadka Soomaaliyeed oo dhexdooda iscaawinaya.


