Hayada Hilaal oo soo bandhigtay Wax qabadkeeda 2015/2016 + Sawiro

 

Hilaal waxaa la aas aasay Bishi Maarso 2015 waxaana loo aas aasay inay ka shaqayso sedex Gobal oo kala ah Banaadir , Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose.

Hilaal waxay ka shaqaysaa Waxbarashada, Caafimaadka iyo Horumarinta, waxaana maamula guddi ka kooban 9-xubnood iyo gole fulin.

Hayada Hilaal waxay ku tiirsantahay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo isu abaabulay inay bulshadooda taakuleeyaan gaar ahaan dhanka waxbarashada ka caawiyaan, kuwaas ayaan aas aaskeeda lahaa.

Kulan ka dhacay Hotelka City Palace  1 Luuliyo 2015 ayaa lagu yaboohay dakhligii ugu horeeyey ee Hilaal lagu socodsiin lahaa, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanno kor u dhaafaya 100 qof kaas oo lagu yaboohay in lacagta laga bixiyo in ka badan 100 arday.

Gobalka Banaadir

Hayada Hilaal waxay shaqadii ugu horaysay ka bilawday dhanka waxbarashada, waxayna ku bilaawday gobalada Banaadir iyo Sh/dhexe. Waxaana waxbarasho laga dhiibay sanadkaan ilaa 75 arday oo sabool iyo agoon isugu jira oo degan magaalada Muqdisho.

Ardada ay kafaala qaaday HFD waxay dhigtaan ilaa 7-Iskuul oo ku kala yaal Degmooyinka Gobalka Banaadir kuwaas oo kala ah: Daarutarbiya( Shibis), Daadihiye( Kaaraan), Imaamu Xaramayn( Kaaraan), Alnur(Yaaqshiid), Alfaraj(Kaaraan), Salaam(Dharkaynley), Jaabir Bin Xayaan( Yaaqshiid).

Sanad Dugsiyeedka 2015/2016 waxaa soo dhameeyey oo imtixaankii nugu dambeeyey u fariistay ilaa 72 arday oo ka mid ah ardadii ay HFD waxbarashada u bilowday oo ay 25  ka mid ah Gabdho yihiin halka 18 ay yihiin agoon, ilaa 8 arday ayaa waxbarashada ka haray duruufa kala duwan oo ayaga qabsaday darted.

Gobalka Shabeelaha Dhexe

Hayada HFD waxay gacanta ku haysaa Iskuulka Sh. Muuse Cigale ee ku yaalla Ceelbaraf ee gobalka Sh/dhexe, iskuulkaas oo ay dhiganayeen sanadka 2015/2016, 77 arday ayaa waxaa kharashaadka ku baxa bixiya hayada HFD.

Sanad dugsiyeedka 2015/2016 waxaa imtixaanki ugu dambeeyey u fariistay 42 arday taas oo ay ka muuqato hoos u dhac uu sababay isbedelkii ka dhacay Ceelbaraf.

NoFasaladaArdada
1.6 aad20
2.4 aad14
3.3 aad8
Total42

Madaxa waxbarashada ee HFD Maxamed Axmed ayaa sanad dugsiyeedkii 2015/2016 bilawgiisii booqday iskuulka Sh. Muuse Cigale waxana uu kalkaas ku qabtay xafladdda furitaanka sanad dugsiyeedka iyo xiritaankii sanadki la soo dhaafay ee 2014/2015 , waxaana halkaas abaal marinno lagu gudoonsiiyey ardadii kaalmaha koowaad ka galay fasalada iskuulka.

Sidoo kale madax waxbarashada HFD ayaa mar kale waxa uu booqday Iskuulka Sh. Muuse Cigale, wuxuuna ka qayb galay xafladda xiritaanka Sanad dugsiyeedka 2015/2016 oo ka dhacday degmada Ceel Baraf taas oo abaal marinno lagu gudoonsiiyey ardadii kaalmaha hore ka galay fasalada iskuulka.

Xafaladda gaba gabada ee sanadkan lagu qabtay Ceelbaraf waxaa ka qayb galay dhalinyaro hablo iyo wiilal isugu jira oo jaamacadaha Xamar dhigta una dhashay deegaanadaas, ayagoo halkaas kasoo jeediyey hadallo qiima badan oo ku saabsanaa waxbarashada iyo faa’iidooyinka ay leedahay, waxaana ka mid ahaa Sacdiya Maxamed Cali Caadle oo ka hadashay kaalinta ay dumarka ee waxbarashada ayadoo halkaas ka jeedisay khudbad aad loogu riyaaqay oo xamaasad gelisay dhamaan kasoo qayb galayaashii xafladda. Sidoo kala waxaa halkaas khudbado carabi , English iyo Soomaali isugu jira kasoo jeedayey wiilal.

Dhalinyaradaas ka tagay Muqdisho ee u dhashay Ceelbaraf waxay sameeyeen xafladda ka dib olole lagu diiwaan gelinayo arday cusub oo sanad dugsiyeedka 2016/2017 ku biirtay waxbarashada Iskuulka Sh. Muuse Cigale waxayna ku guulaysteen inay diiwaan geliyaan arday kor u dhaafaysay 50 arday oo cusub , waxaan la filayaa in sanad dugsiyeedkan ardada iskuulka ay gaarto in ka badan 100 arday taas oo ah guul ay gaareen bulshada Ceelbaraf.

Dhalinyaradaas ayaa markii ay soo dhamaatay xafladdii ay kaalinta wayn ka gaysteen waxay booqasho iyo damaashaad u aadeen deegaanada ku dhaw dhaw Ceelbaraf gaar ahaan Kiliga qodidiisa ka socdo halkaas.

Maamulka hayadda HFD ayaa sanad dugsiyeedkan 2016/2017 ku guulaystay inuu iskuulka Sh. Muuse Cigale ee Ceelbaraf u diro macalin kaas oo kusoo baxay imtixaan ay hayaddu ka qaaday macalimiin u sharaxnaay inay macalin ka naqdaan Iskuulkaas, waxaana ku guulaystay inuu macalin ka noqdo macalin kasoo jeeda Soomaalida Kenya kaas oo la filayo inuu wax badan ku soo kordhiyo tayada waxbarashada iskuulka.

Maamulka Hayadda Hilaal oo shaqaynayey muddo sanad ah ayaa rajaynaya sanadkan inay howshooda sii laba laabaan, waxaana la filayaa in sanadkan Ceelbaraf lagu soo kordhiyo xarun caafimaad oo ay  ka faa’iidaysan doonaan dadka ku nool deeganadaas oo aan helin daryeel caafimaad.

Maamulka Maaliyadda

Maamulka maaliyada ee Hey’adda HFD waxa uu leeyahay hanaan wafaqayo hererarka isla xisabtanka iyo hab-raaca daah furnanta calimiga ah , si loo hubiyo, loo wafajiyo wadiiqo xisabeedka leh dhinacya badan, waxa la raacaya sida tan:

  1. Sannad-Maaliyadeedku wuxuu dhamaan doonaa 30 July waana in la diyaariyaa

warbixin maaliyaded oo dib u eegis lagu sameeyay, si looga ansixiyo shir weynaha Guud ee sanadlaha ah.

  1. Buugaagta HFD waa in si joogto ah loo ilaaliyaa waana in loo fududeeyo baarista haddi sidaas codsi qoraal ah looga dalbado Hey’adda.
  2. Xisaabaadka bangiyada waa in la ilaaliyaa wixi baxayna waa in laga hor sheegaa kulamada guddiyada.
  3. Gudoomiyaha, xoghayaha guddiga sare iyo madaxa maaliyada ee waaxda fulinta waxa ey yeelanaayaan awood saxiix, dhamaan wixi baxaayana waa in ay lahaadaan seddex saxiix uga yaraan.
  4. Deeq kasta oo la helo waa in lagu hayaa xisaabad bangi oo gaar ah, xisaabin iyo dib u eegis gaar ah na lagu sameeyo marki lagaaro xisaab- xirka sanadlaha ah.
  5. Waa in HFD lagu sameeyo dib u eegis xisaabeed sanad walba ayadda oo la adegsanaayo dib u eege caalami ah.
  6. Dhammaan warbixinada maaliyadaa waa in laga heli karaa goobaha xafiisyada iyo website-ka HFD si loo muujiyo hufnaan loona dhiirigiliyo ku yaboohida lacaga lagu hormariyo wax-qabadka Hey’adda.

Iskuulka Ceelbaraf

BilahaDakhliKabKharash
August0510510
September44650496
October394225619
November408221629
December396219615
January374288662
February358257615
March274402676
April258244502
May250165415
June0250250
July0557557
Total315833886546

Miisaaniyadda 

Dakhliga
NoMeesha Lacagta($)Boqolay(%)
1Deeq Bixiyaasha11,055 75
2Dhalinyaro ku nool Swiserland400 3
3Iskuulka Ceelbaraf3,158 22
 Total14,113 
Kharashka
4Ardada Muqdisho3,915 30
5Iskuulka Ceelbaraf 6,546 50
6Fududaynta howlaha HFD 2,643 20
 Total 13,104 
 Balance 1,509 

Kharasha Baxaya  Sanadka 2015/2016

NoMeesha LacagtaBoqolay
1Waxbarshada$10,46180%
2Howlaha HFD$2,64320%
Total$13,104100%

 

DSC_0268DSC_0236

DSC_0333 DSC_0340 DSC_0345 DSC_0356 DSC_0358 DSC_0367 DSC_0372 DSC_0376 DSC_0381 DSC_0383 DSC_0399 DSC_0408 DSC_0409

DSC_0262DSC_0233 DSC_0251 DSC_0444DSC_0305 DSC_0309
DSC_0279 DSC_0316 DSC_0319

DSC_0417 DSC_0430 DSC_0454 DSC_0498

DSC_0238 DSC_0245