Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay degaanno ka tirsan G/shabeelada Dhexe

Howlgal Ciidanka Xogga dalka iyo Dadka deegaanka ay ka fuliyeen Deegaanada Daaru-nicma, Ceelbacad iyo Burka fiiqey ee gobalka shabelada dhexe ayaa lagu bur buriyay gooba Alshabaab ay gabadsanayeen meel u dhaw deegaanka Ceelbacad.

Saraakiisha guutada 19aad  gumac ilaala qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo howlgalkan hogaaminayay ayaa warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqeejiyay howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan in lagu bur buriyay Fariisimo Alshabaab halkaas ay  ku lahaayeen

Maalmihii la soo dhaafay degaanada  Ceelbacad iyo Burka fiiqey waxaa ka socday Hawlgallo la dhan ah Alshabaab oo ciidamada Dawlada iyo kura degaanka halkaas ay ka wadeen.