Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda degaanno ka tirsan gobolka shabeelada Dhexe

Wararka ka  Imaanaya degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in in degmadaas uu ka socdo  Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab

Hawlgallada ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ee Afjar.

Ciidamadadaan is garab sanaya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka bilaabay degaanno hoostaga degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe.

Taliyaha Ciidamada degaanka ee Afjar Xanafi Sheekh Isaaq oo u Warramay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in u jeedka Hawlgakan uu yahay sidii loga saari lahaa Alshabaab Tuulooyinka Yaaqle, Shankow iyo Dhagaxow oo dhammaantood hoostaga degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Afjar ayaa sheegay in Xubnaha Alshabaab ee ku  sugan Tuulooyinkaas ay Halkaas ka soo Abaabulaan Weerarada  ay ka geystaan Wadada  Xiriirisa Jowhar iyo Balcad balse Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Afjar dhawaan hakaas ay ka saari doonaan.