Hawlgalka xasilinta oo la gaarsiinaayo Gobolada dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay hawlgalka xasilinta in la gaarsiinayo Gobolada dalka Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in hawlgalka xasilinta in lagu ballaariyo Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha Dhexe oo Magaalada Muqdisho daris la’ah.

Wuxuu tilmaamay hadda inuu socdo tababarida ciidamadii loo diyaarin lahaa qorshahaasi oo bilaha soo socda lagu dhaqaaqi doono, si nabad waarta loogu soo dabaalo ammaanka labadaasi Gobol oo Muqdisho daris la’ah.

Taliyaha Nabad Suggida ayaa sidoo kale sheegay in la saxaayo qaladaad ka jira hanaanka ciidamada xasilinta gaadiidka shaqsiyaadka wata aqoonsiyada ay u waydiiyaan, taasi oo ah kaliya in qofka uu wato aqoonsi Dowladeed, iyadoo dadka dowladda u shaqeeya iyo kuwa ka madax banaan ay badan yihiin kuwa ka madax banaan Dowladda.

Magaalada Muqdisho, ayaa tan iyo markii laga sameeyay qorshaha ku aadan xasilinta caasimada, Magaalada waxaa laga dareemay amni buuxa oo ku aadan inay yaraaden dilalkii ka dhici jiray Magaalada gudaheeda.