Hawlgal lagu qabtay dhalinyaro

Gaalkacyo-RisaalaFM- Hawlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ay ka sameeyeen waqooyiga magaaladaasi ayaa waxaa lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo maalmahanba lagu daba jiray.

Dhalinyaradan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka aya waxaa lagu eedeynayey inay ku howlanaayeen iibinta waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale inay sameynayeen falal amniga wax u dhimaya.

Hawlgalkan dhalinyarada lagu soo qabtay ayaa waxa ay ahaayeen Todobo, oo laba ka mid ah iibinayay maandooriyaha xashiiska, sida ay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ay u sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey oo warbaahinta uga warbixiyey howlgalladan ayaa waxa uu tilmaamay inay soo qabteen dhallinyaro dhib maleegayey.

Guddoomiye Tumey ayaa sidan yiri “Xashiiskan iyo raggan waxaan ka soo qabannay guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxaa horfadhiyey ciyaal 10 neeyo ah oo cunto loogu karinayey waxaa gudahana lagu gadayey xashiiska, sidoo kale waxaan soo qabannay Shan nin oo dadka Moobilada ka dhaci jiray, kuna qarin jiray Labo mehradood oo ay magaalada ku leeyihiin”.

Waxaa muuqata in ay kordheen wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada Booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka, maadaama maalmahan ay kordhiyeen hawlgalada lagu xasilinayo magaalada Gaalkacyo.