Hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Ciidanka  Maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyey Agagaarka degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka oo webiga uga gudbay dhanka kale ayaa khasaare kala duwan gaarsiiyay sida la sheegay  Xubno ka Tirsan  Alshabaab ,.

Weerarkaas  ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac  oo soo gaaray Xubbaha Alshabaab ee la weeraray.

Sidoo kale dhanka waddada laamiga ah ee Jamaame iyo Kismaayo, waxay ciidanku ka sameeyeen howlgal kale, waxayna bartilmaameedsadeensida la sheegay  saldhigyo ay Alshabaab ay ku lahaayeen halkaas.

Ma jor olaa hadda warar madax banaan oo caddeynaya  sheegashada Weerarka Ciidanka Jubland ay qaadeen iyo khasaaraha ka dhashay