Bakool-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa toogtay Haweeney looga shakiyay in ay ka tirsaneyd ururka Al-shabaab, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala degaanada Koonfur Galbeed.
Taliyaha saldhiga Booliska degmada Xudur Xuseen Maxamed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen tuulooyinka ku dhow degmada ay ku dileen Haweeney looga shakiyay in ay ka tirsaneyd Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay howgaladan in lagu dilay nin safarey ahaa oo Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo falal amni daro ah abuurayay.
“Nabadgelyada aad ayay u wanaagsan tahay, howlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen Ciidamada waxaa lagu dilay, Haweeney iyo nin kale oo Shabaab ka tirsanaa, wayna sii socon doonaan howlgalada.” Ayuu yiri Taliye Xuseen.
Siid Cali Muuse Maxamed (Ateer), Radio Risaala, Magaalada Baydhabo.


