Bruno Labbadia ayaa laga ceyrisay shaqada tababare ee kooxda Hamburg ka dib markii ku bilowday qaab ciyaareed sabool ah xilli ciyaareedkaan 2016-17.
macalinkaan 50-sano jirka ah ayaa shaqada kooxdan la wareegay bishii April sanadii 2015, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu xoojiyo awooda kooxda.
Ka dib markii Hamburg ku dhameysteen kaalinta 10aad ee kala sareynta xilli ciyaareedkii hore, waxaa hadda ay tahay kooxda ugu hooseysa Horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Hamburg ayaa keliya hal dhibic ka heshay shan kulan oo ay ka ciyaartay Horyaalka Bundesliga xili ciyaareedkaan, waxaana kulankii ugu dambeeyay 1-0 guuldaro ah ay kasoo gaartay kooxda Horyaalka heysata ee Bayern Munich Sabtidii.
“guddoomiyaha kooxdan Dieter Beiersdorfer ayaa saxaafada u sheegay in looga mahadcelinayo Bruno Labbadia, shaqada wanaagsan ee uu kooxda u qabtay intii uu joogay.


