Halkee ayuu ku dambeeyay khilaafkii Emmanuel Frimpong & Samir Nasri?

Xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxda Arsenal Emmanuel Frimpong ayaa daboolka ka qaaday inuu si xun u xaliyay khilaafka kala dhaxeeyay Samir Nasri.

Labadan shasi ayaa ku lug lahaa dhowr isku dhac oo garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa waqtiyadii labadoodu ahaayeen asxaab isku koox ah ama iska soo horjeeday  Frimpong ayaa ku adkaysatay inaysan waligood saaxiib noqon doonin isaga iyo Nasri sababa jira aawgood

Xiriirka Frimpong iyo Nasri ayaa burburay ka dib markii ninka reer France uu ku eedeeyay guuldaradii Arsenal ka soo gaartay Liverpool bishii August 2011.

Xiddiga qadka dhexe, oo markaas 19 jir ahaa, ayaa kaliya saftay kulankiisii labaad ee Premier League Gunners, laakiin waxaa casaan la siiyay daqiiqadii 70aad markii uu galay qalad labaad ciyaarta oo gool la’aan ahyed.

Liverpool ayaa sameysay inta ugu badan faaiidada ciyaartaas maadaama hal ciyaartooy ay dheerayeen Gunners waxaana ay ku badiyeen 2-0.

“Qofna uma baahna inuu ii sheego in wixii aan sameeyay ay doqonimo ahaayeen,” ayuu Frimpong u sheegay saxaafada.

Ciyaarta ka dib, qof walba wuxuu galay qolka lagu dharbadasho, Arsene [Wenger] wuu aamusnaa. Kadib Nasri wuu istaagay wuxuna qofkasta ku dhahay kan ayaa naga badiyay.

‘Waa hagaag, waan fahmi karaa taas, laakiin waxaan ka fikirayay, “Maxay qof qof – gaar ahaan aniga u ciyaarayaan, waxaan u maleynayaa inay u ekaan laheyd ciyaarteyda labaad – muxuu xirfadle kasta ugu sameyn lahaa ciyaaryahan da’ yar isla waqtigaas?”