Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa ka hor lasoo saxiixashada Cristiano Ronaldo waxa ay ku war geliyeen hal arrin oo ay ka dalbadeen inuu aqbalo.
Ronaldo ayaa suuqii xagaaga waxa uu go’aansaday inuu ku biirro kooxda Juventus, isagoo ka dhaqaaqay kooxda Real Madrid ka dib markii uu kula guuleystay Champions League-gii saddexaad oo xiriir ah.
Captain-ka Portugal ayaa aqbalay inuusan wada qaadanin dhammaan laadadka xorta ah si la mid ah sidii uu u qaadan jiray waayihiisii Madrid.
Ronaldo ayaa ahaa haldoorka Real Madrid, waxaana uu qaadan jiray dhammaan laadadka xorta ah ee la isku dayi karo in la dhaliyo, balse Bianconeri waxa ay u sheegeen inuusan sidaas sii ahaaneyn haddii uu Juve ka mid noqonaayo.
Macallin Massimiliano Allegri ayaa bil ka hor xaqiijiyay inuusan laadadka qaar uusan tuuri karin Ronaldo, waxaana uu yiri: “Marka laadadka xorta ah ay ka fogyihiin goolka, Ronaldo wuu tuuri karaa.
“Balse waxaan go’aansannay inaan u xilsaarno Paulo Dybala iyo Miralem Pjanic inay tuurraan laadadka xorta ah ee u dhow diillinta ganaaxa”.
Sky Sport ayaana sheegeysa in Ronaldo uu arrinkaasi aqbalay.