Kaddib baaqashada kulankii El-Classico ee shalay loo balansanaa, Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa haysta maalmo fasax ah oo ay ku fikiraan kuna hagaajiyaan waxyaabaha ka qaldan xilli ciyaareedkan oo aysan qaabkii ugu wanaagsanaa ku bilaaban.
Real Madrid oo u muuqata kooxda shaqada badani u taalo ayay jirtaa shaqo dadaal gaar ah uga baahan tababare Zinadine Zidane taas oo haddii uu fulin waayo uu shaqadiisa iyo koobabka uu u tartamayaba uu waayi doono.
Dhibka xalka uga baahan Zizou ayaa ah inuu xaliyo dhibaatada joogtayn la’aanta qaab ciyaareedka wanaagsan ee kooxdiisa oo ilaa haatan xilli ciyaareedkan sida ay guulo ugu dhex jirto mar mar la kulmaysa guuldarro culus ama mid lama filaan ah.
Los Blancos ayaan marnaba ku riyoon karin inay horyaalka kula tartamaan Barcelona iyagoo ku jira qaab ciyaareedkooda haatan ee toddobaad dhaafka ah.
Bandhiga haatan ee Real Madrid ayaa aad uga fog midkii 22 guulood ee xidhiidhka ah ee tababare Carlo Ancelotti uu ku sameeyay horraantii xilli ciyaareedkii 2014/15 ama joogtayntii 2016-17 markaas oo ay horyaalka iyo Champions League wada jir u hanteen.
Xilli ciyaareedkaas 2016-17 ayaa ahaa mid ay Real Madrid kaliya saddex kulan guuldarrooyin lasoo kulantay iyagoo 28 kamida 38-kii toddobaad ee horyaalka figta ugu sarreysa ee miiska kala sarreynta fadhiyay.



