Hadaljeedintii Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo dib loo dhigay iyo Odayaal looga yeeray Madaxtooyada

Guddiga Doorashooyinga Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii iyo doorashadii Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland oo maalinka berri ah dhici laheyd.

War kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada dib loogu dhigay sababo aan la shaacin.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu,Dib ayaan kasoo sheeegi doonaa wakhtiga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.

Tilaabadaan ayaa timid ka dib markii la sheegay in caawa Madaxweyne Farmaajo uu Madaxtooyada ugu yeeray 8 Oday oo ka mid ah kuwa ugu saameynta badan gobolada Waqooyi.