Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 27/3/2021 inay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa.
Kulanka oo xalay uu iclaamiyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa Ajandahiisa lagu sheegay Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, hayeeshee Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay sheegeen in Ajando kale uu ku hoos qarsoon yahay.
Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kulanka Maanta uusan soo marin habraacii loogu talo galay oo aheyd inay marka hore ka doodaan Guddiga Caafimaadka Golaha Shacabka, halka Xildhibaan Luul Cabdi Aadan ay dhankeeda sheegtay in Labo sanno ay rajeyneynaan in Madaxda Dowladda loogu daro.
Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shirar gaar gaar ah oo ay lahaayeen Xildhibaannada mucaaradka, iyaga oo ujeedkooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen hadii Guddoonka Golaha Shacabka uu Baarlamaanka horkeeno qorsho la xiriira muddo kororsi
Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli aan laga heshiin Arrimaha doorashooyinka dalka,isla markaana la filayo in Maalmaha soo socda saamileuda siyaasadeed ee dalka inay ka tashadaan.



