Liverpool 2-0 Fulham
Mohamed Salah ayaa gool dhaliyay 44 ilbiriqsi ka dib markii la diiday goolkii Aleksander Mitrovic oo dadab dhaaf lagu tilmaamay.
Salah ayaa sidoo kale gool ka dhaliyay 19 ka mid ah 21 koox oo uu Premier League-ga kaga hor tagay, keliya Man United iyo Swansea ayuu ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo.
Xherdan Shaqiri gool ayuu dhalinyay ama waa uu caawinayay shan ka mid ah lixdii kullan ee ugu dambeysay Liverpool u ciyaaray dhammaan tartamada (2 gool, saddex caawin).
Chelsea 0-0 Everton
Qaybtii ugu horreysay ee ciyaartii Chelsea vs Everton waxaa la bixiyay shan calaamad oo hurdi ah, waana ciyaartii ugu horreysay ee jaalleyaal intaas la eg lagu bixiyo qaybta hore ee kullan xilli ciyaareedkan.
Muarizio Sarri waxa uu noqday macallinkii ugu horreeyay ee guuldarro la’aan noqda 12-kiisa kullan ee ugu horreysa Premier League-ga.
Arsenal 1-1 Wolves
Mesut Ozil ayaa ahaa ciyaaryahanka keliya ee qaybta hore ciyaarta fursad u abuurray Arsenal.
Wolves ayaa markii ugu horreysay taariikhda Premier League-ga gool ku hooggaamisay Arsenal.
Arsenal iyo Cardiff waa labada koox keliya ee xilli ciyaareedkan marnaba aanan gool ku hor kicin qaybta hore ee ciyaarta.
Manchester City 3-1 Manchester United
Waa markii ugu horreysay David Silva uu saddex kullan xiriir ah Man City garoonkeeda gool ugu dhalinayo dhammaan tartamada tan iyo markii uu Etihad kusoo biirray.
Ma jiro ciyaaryahan dhaliyay goolal ka badan inta uu Sergio Aguero ka dhaliyay kullanka Manchester Derby ciyaaraha horyaalka Premier League-ga, keliya Wayne Rooney ayaa la siman oo ay min Siddeed gool Manchester Derby ka wada dhaliyeen.
30 ilbiriqsi ayaa u dhexeysay markii uu Lukaku beddelka kusoo galay iyo rigoorada lagu galay.
Anthony Martial waxa uu noqday ciyaaryahankii shanaad ee France u dhashay kaasoo gool ka dhaliyay Premier League shan kullan iyo wax ka badan oo xiriir ah ka dib Thierry Henry (x3), Eric Cantona, Nicolas Anelka iyo Olivier Giroud.
Tan iyo bilawgii bishii October aynu kasoo gudubnay, ma jiro ciyaaryahan ka goolal badan Anthony Martial kullamada Premier League, waxaana uu dhaliyay muddadaan lix gool.
Martial waxa uu sidoo kale ku biirray diiwanka ciyaartoyda shanta kullan ee xiriirka ah gool ka dhalisay Premier League-ga, waxaana uu safkan kula biirray Eric Cantona, Dwight Yorke, Ruud van Nistelrooy, Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo, iyo Robin van Persie.
Goolkii uu dhaliyay Ilkas Gundogan waxaa lagu soo dhisay 44 baas, waxa uu noqday goolkii ku yimaaday baasaska ugu badan kullamada horyaalka Premier League-ga, ka dib gool Juan Mata u dhaliyay Man United oo ay West Ham baasas 45 gaarray ku sarqaamiyeen.
Pep Guardiola waxa uu garaacay Jose Mourinho 11 jeer, waana in ka badan inta uu garaacay macallimiinta kale xirfaddiisa (waxaa ku jira ciyaarro rigoorre lagu kala baxay).



