Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa isbadal ku sameeyay maamulka degmada Howl-Wadaag ee Gobalka Banaadir.
Gudoomiye Yariisoow ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Howl-Wadaag Mudane Cabdikariin Cali Kaar waxa uuna u magacaabay degmadaasi Mahad Cabdi Caraalle oo qudhiisa kamid ahaa shaqaalaha Gobolka Banaadir sida ay sheegayaan warar Idaacadda Risaala ay ka heleyso Gobolka.
Waxaa uu Gudoomiye Yariisoow isbadalada uu ku sameynayo gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir uu u dhacayaa qaab aan la dareemeyn maadama mid mid uu xilka kaga xayuubinayo iyadoo maamuladii ka horeeyay ay magacaabista iyo xil ka qaadista u mari jiray hanaan wadareed ah.



