Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya ayaa Maanta Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in maanta Ajendaha kulanka uu yahay Khudbad jeedin lagu casuumay Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.
Gudoomiyaha ayaa Khudbadiisa waxaa uu diiradda ku saaray shaqadda laga doonaayo Xildhibaanada iyo sidoo kale sida laga doonaayo in ay uga qeyb qaadan karaa horumarinta Soomaaliyeed.
Shalay ayuu Booqday Gudoomiye Xaamud Magaalada Baledweyne ee xarunta Hiiraan.



