Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa Saacaddaha Soo socda in uu gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Cusmaan Maxamed Barre Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu doonaya in uu wax ka qabto Xilka qaadistii Shalay lagu sameeyay Madaxweyne Cosoble.
Xildhibaano ka tirsan Baarlaamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu dhexdhaxaadin ka dhex bilaabi doono Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qeybsan xilka ka qaadistii Cosoble.
Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ayaa wali ka taagan magaalada Jowhar.
kala soco Risaala.net



