Gudoomiye Baarlamaanka Hirshabeelle oo taageeray Xilka qaadistii Cosoble

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo Goor dhow Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa taageeray Go’aankii Xildhibaanada  Hirshabeelle ay xilka kaga qaadeen Madaxweyne Cosoble.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay galeyso isbadel dhanka Hoggaanka ah,waxaana uu sheegay in Muddo dhan 30 Cisho lagu soo dooran doono Madaxweyne Cusub.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in xilka Madaxweynaha uu sii heyn doono Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

“Waxaa si sharci ah xilkiisa ku waayay, Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble, aqlabiyada baarlamaanka looga qaaday, waxaa la farayaa Madaxweyne kuxigeenka in muddo 30 maalmood si KMG ah xilka u sii haayo”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle