Gudoomiyaha golaha Shacabka oo eedeeyey xukuumadda

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxamaan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ay ka hor istaagtay in uu la kulmo.

Waxa uuna sheegay in ay tahay arrin sharciga baalmarsan in xildhibaanada xuriyada laga qaado oo loo diido in gudoomiyahooda ay la kulmaan, waxa uuna dowladda dhexe ka dalbaday in ay ilaaliso xasaanada xildhibaanada ay leeyihiin.

Gudoomiye Mursal oo markii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo, la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay waxa uu ku sheegay cadaadis xoogan oo ay dowladda Federaalka ku heyso guud ahaan xildhibaanada golaha Shacabka gaar ahaan kuwooda mooshinka madaxweynaha saxiixay.

Gudoomyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hoyga uu ka deganaa madaxtooyada Soomaaliya kaga soo guuray waxa uu ku tilmaamay caburin, dowladda Fdederaalka Soomaaliya ku heysay isaga iyo xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo.