Gudoomiyaha Aqalka sare oo ka hadlay shir uu uga qayb galay magaalada Nairoobi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nairoobi uga qeyb galay shirka sideed iyo tobanaad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika ()
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeennaba, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad farabadan, dhul qani ah iyo Bulsho firfircoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysi xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika inay midoobaan ayna ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyawga qaaradda Afrika.