Guddoomiye Thaabit oo Muqdisho ku soo wajahan

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa lagu wadaa in uu yimaado Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabit Cabdi Maxamed, oo 6-dii Bishan xilkaasi loo magacaabay.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor ka soo ambabaxay Dalka Mareykanka, Saakay waxa uu diyaarad ka soo raacaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya isaga ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.

Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa laga dareemayaa diyaar garow balaaran oo ku aadan soo dhaweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir.

Sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku Xigeenadiisa, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiisha amaanka ee Gobolka, ururka Haweenka iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Wariyeyaasha qeybahooda kala duwan xalay waxaa ay ku soo wargeliyeen in maanta ay shaqo jirto, taasi oo ah in uu imaanayo Guddoomiye Thaabit.

Wariyeyaasha qaar gaar ahaan kuwa TV-yada ayaa waxaa lagu wadaa in lagu diyaaro Gudaha Garoonka Diyaaradaha si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta, halka kuwa kale ee ka socda Raadiyaha ay sii xaadiri doonaan goobta loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo Guddoomiyaha, halkaasi oo uu saxaafada kula hadli doono.

6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Maalmaha soo socda ayaa Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed lagu wadaa in uu si rasmi ah Xilka ula wareego.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa horyaalla Caqabado fara badan oo la Xiriira Xasilinta iyo wax ka qabashada amni darada Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee xilkan ka sii degaya Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa xilkan loo magacaabay 26-kii October ee sandkii 2015-kii, kadib markii xilka laga qaaday Mr.Muungaab