Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmada Waaberi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta waxaa uu sirasmi ah Guddoomiye ugu magacaabay degmada Waaberi, kadib markii bartamihii Bushii Agoosto uu Shaqa joojin ku sameeyay guddoomiyihii degmadaas.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi loogu magacaabay Sugaal Cali Ayaanle oo ah Wiil Dhalinyaro ah, wuxuuna bedelayaa Jamaal Cali Maxamed oo ahaa kusimaha Guddoomiyaha degmada Waaberi ahna guddoomiye kuxigeenka degmadaas.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Shaqsigaan loo Magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi uu ahaa  madixii suuq geynta ee shirkadii Hubaal Forex  oo kamid eheyd shirkadihii loo heystay dhaca lacago badan oo ay lahaayeen qaar kamid ah Shacabka degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Waaberi in uu si wanaagsan u guto waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday

Degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaay soo kartay guddoomiyeyaal kala duwan, waxaana mid kamid ah guddoomiyeyaashii soo maray uu ku geeriyooday qarixii Xarunta Gobolka Banaadir ee lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Injineer Yariisow.