Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal u magacaabay Cali Cumar Maxamuud.
Dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Shacabka ayaa waxaa la faray inay la Shaqeeyaan mas’uulka cusub ee la magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.




