Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray dalka Ciraaq kana qeyb galaya Shir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxaana shirka  Baarlamaannada Carabta sanadkaan looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Baarlamaannada wadamada Carbeed iyo dhibaatooyinka kajira/

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxaa uu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Shirka Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta ayaa sanad walba la qabtaa, iyada oo looga hadlo arrimo ku saabsan dhibaatooyinka kajira dalalka ay colaadaha kajiraan oo ay kamid tahay Soomaaliya.