Guddoomiyaha Garasbaaley oo sheegay Roobabkii Da’ay in ay dumiyeen 30 guri

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa ka warbixiyay Roobabkii maanta Da’ay khasaaraha ka soo gaaray dadka barakacayaasha ah ee ku nool degaankaasi, kuwaasi oo ka soo barakacay gobolada dalka.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in khasaare uu ka soo gaaray dadka barakacayaasha ah Roobabkii maanta Da’ay ka maamul ahaana ay sameeyeen wixii karaankooda ah.

“Wallaahi xaaladeena way adag tahay, Roobkii xalay bilwoday ilaa hadda wuu Da’ayaa, dadka waxay dhex taagan yihiin biyihii, annaga wixii karaankeena ah waan sameynay, waana wadnaa dadaalka, waxaan codsaneynaa cidii dadkan wax u qaban karta in ay u yimaadaan.

Sidoo kale Guddoomiye C/raxmaan ayaa sheegay Roobabka inay dumiyeen ilaa 30 guri, oo cowshado ka sameysan, wuxuuna dowladda federaalka, maamulka gobolka iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dadkan gargaar la soo gaaraan.

Gudoomiye Garyare ayaa sidoo kale yiri “Roobabkii Da’ay waxay dumiyeen guriyo gaaraya ilaa 30, annaga xalay ilaa hadda waxaan la joognaa dadka barakacayaasha ah, afur ma heystaan way baahan yihiin, laakiin way ka bixi doonaan Insha Allah.”

Degaanka Garasbaaley ayaa ka mid ah goobaha aadka ay ugu nool yihiin dadka barakacayaasha ah, waxaana ku nool barakacayaal u badan Haween, Caruur iyo dad Da’ah, weli ma heystaan gargaar sax ah.