Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay khubaro ka socotay UNDP (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BaarlamaanKa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay khubaro ka socotay Hay’adda UNDP.

Nihaad Hussein oo ah Lataliye sare oo dhinaca Farsamadda ee Hay’adda UNDP ayaa sharaxaad Ka bixisay wada shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka iyo guud ahaan Guddiyadiisa u qaabilsan shuruuc dejinta.

“Waxaan Rajeyneynaa in aan xoojin doono taageeridda aan mar waliba la garab taaganahay Golaha Shacabka si ay meel wanaagsan u mariyaan hawlaha horumarinta dalka Soomaaliya,” Ayay tiri Mss NIHAAD

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay UNDP-da kaalinta wanaagsan oo ay ku leeyihiin shaqadda ay Baarlamaanka u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

”Runtii waan idinku bogaadinayaa sidaad dhinacyadda farsamadda iyo fududeyntaba aad kala shaqeysaan guddiyadeena Baarlamaanka, haddii aan nahay hoggaanka Baarlamaanka, waxaan mar waliba jecelnahay sidii aad noogala shaqeyn lahaydeen in dalkan uu ka soo kabsado dhinacyadda loo baahan yahay in la iska kaashado si wada jir ah in looga hawlgalo”, Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in ay si dhow isaga kaashan doonaan Hay’adda UNDP hawlaha ay ka taagaaraan Golaha shacabka, wuuna uga mahad celiyay.

Hay’adda UNDP ayaa qeybo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerta arrimaha farsamadda sharciyadda Baarlamaanka iyo hawlahooda.