Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la kulmaya Madaxda dowladda

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in uu maanta la kulmo Mas’uuliyiinta Sarsare ee dalka  si xal looga gaaro xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Magaalada Jowhar.

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa shalay Gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii diyaarad Khaas ah looga soo qaaday Jowhar.

Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya shalay tagay Magaalada Jowhar , waxaana ay la kulmeen labada dhinac ee isku haya Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dalab culus u gudbiyay wasiirada, kuna wargeliyay hadii aysan Xukuumadda taageerin is bedelkan, sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo dooranayaan Madaxweyne, maadaama aqlabiyada ugu badan ee Baarlamaanka uu isku raacay xil ka qaadistii Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Maanta lagu waddaa in ay war kasoo saarto xaalad Cakiran ee ka taagan Magaalada Jowhar.