Muqdisho-RisaalaFM- Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada, ayaa maanta si deg deg ah ugu yeeray Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre, si wax looga weydiiyo xiisadda toddobaadkan ku soo korortay siyaasadda dalka.
Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay aad uga caroodeen hadal ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, kaasi oo habeenkii Sabtida ka jeediyay School Polizio, ahaana inaanan la aqbali karin mooshin wax lagu burburinayo oo laga keeno Xukuumadda, hadii Xildhibaanada ay soo diyaariyaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre oo wax burburin ah, ayuu sheegay inay guryahooda ugu taggi doonaan Mudane-yaasha Baarlamaanka, isaga iyo shacabka.
Mudane Xasana Cali Khayre oo galabta gaaray Xarunta Villa Hargeisa oo ah Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka, ayaa wax laga weydiiyay aragtidiisa ku aadan hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa iska fogeeyay wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan in uu kacdoon dadweyne ka horgayn doono Xildhibaanada Labada Aqal, haddii ay soo diyaariyan mooshin kalsooni kala noqosho xukuumadiisa ah.
Khayre oo ka jawaabayay hadalka lagu haysto Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in hadalka wadaadka si khaldan loo fasirtay, isagoo intaa ku daray in Sheekh Gurxan uu qaban doono shir jaraa’id, oo uu ku cadaynayo in la adeegsaday qaybo ka mid ah hadalkiisii, oo intii kalana laga tagey.
Intaasi kadib, ayay xubnaha Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ay Khayre u sheegeen inuu aqbalo in ka Ra’iisal Wasaare ahaan iyo Golihiisa Wasiiradaba lala xisaabtami karo, haddii ay dhaliilo jiraan.



