Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo dalbaday dhaqaale lagu wado doorashada.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana awoodihiisa uu sharcigu tilmaamayo si waafaqsan Qod. 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ah Cayimidda muddooyinka Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talagalkiisu yahay inuu ku dhammeystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddo xilleedkooda dastuuriga ah ee goleyaasha Qaranka.

Guddiga ayaa sidoo kale daneeyayaasha doorashada ka codsaday, si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, inay gacan ka siiyaan abuurista jawi suurtagelinaya isfaham siyaasadeed oo meel looga soo wada jeesto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Sidoo kale, waxa uu guddigu ku baaqay in lagala shaqeeyo xoojinta, dhameystirka iyo tayeynta howl-gallada sugidda amniga doorashooyinka, oo muhiimad gaar ah leh.

“Waxa uu ku wargelinayaa dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talo-galkiisu yahay in uu ku dhameystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddadooda dastuuriga ah ee golayaasha qaranka.”