Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalku oo toos ugala hadlay bulshada, TV-ga dowladda ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid Qatar badan ay ka jirto isla markaana xaaladda uu uga sii daray roobkii xalay ka da’ay magaaladaas.
Guddoomiyaha guddiga wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa Ku dhawaaqay in roobkaasi uu sababay in garoonkii diyaaradaha uu xirmay isla markaana xaaladda ay uga sii dartay.
Guddiga ayaa dalbaday in cidkasta oo dhibaatooyinka dhacay magacooda gargaar ku aruurinaysa waa in ay guddiga la wadaagaan cidii aan u hogaansamina lala xisaabtami doono.
ugu dambeyn Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan gobollada Galmudug,Puntland iyo Soomaaliland maadaama garoonkii Beledweyne aysan diyaaraduhu ka dagi karin in kaalintooda ay ka qaataan in dadka dhibaateysan la gaaro.



