Guddiga doorashooyinka oo Ra’iisul wasaaraha kala hadlay dardargalinta doorashada

Xubno kamid ah Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha GHDHF. Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta kulan layeeshay Raysalwasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .

Kulanka ayaa looga wada hadlay Dhamaystirka Doorashada Aqalka sare oo gabagabo ah iyo Dardar-gelinta Doorashada Gollaha shacabka oo dhawaan lafilayo inay bilaabato .

Rasulwasaraha XFS ayaa gudiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka uhaayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo Xareeynta ergada dagdag loo guda-galo  si  Doorashada golaha Shacabku ay u bilaamanto.