Guddiga Qaban qaabada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Sidoo kale Guddiga ayaa Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag waxaa ay u doorteen Gudoomiye ku xigeen.
halka Xoghayaha Guddigana loo doortay Maryan Axmed Haaruun.
Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa hadda waxii ka dambeeya waxaa ay toos u guda geli doonaan howlaha doorashada Madaxweynaha , waxaana ay shaacin doonaan waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.


